Meeqo saac ayaan u baahannahay in aan seexanno?
Xaddiga hurdada ee qofku u baahan yahay waxay ku xirantahay da'diisa, sababtoo ah qaar dadka ka mid ah ayaa u baahan hurdo badan qaarna in yar ayay u baahanyihiin.Dr Shehu Saalax ayaa sheegay in qof kasta oo bani'aadam ah uu seexdo hurdo wanaagsan marka loo eego da'diisa.
Arrinta muhiimka ah ayaana ah inuu qofku oggaado inta saacadood ee u baahanyahay inuu hurdo isla markaana uu isku dayo qofku in helo hurdo ku filan caafimaad ahaan.Khabiirku wuxuu sheegay in carruurta yaryar ay seexdaan qiyaastii 20 saacadood maalintii 24kii saacadoodba. Carruurtu waxay seexan karaan sidoo kale ilaa 18 saacadood,
Dadka da'doodu ka wayntahay 18 sano waxay u baahan yihiin ugu yaraan 8 saacadood si ay u helaan hurdo ku filan.Kuwa ka weyn 60-ka ilaa 70-ka lix ilaa afar saacadood ayaa ku filan, sida uu dhakhtarku sheegay.Da'kasta oo dadkaas ka mid ah haddii ay helaan hurdo ku filan, waxay u badan tahay inay xoog yeelan doonaan oo caafimaad ahaan doonaan maalinta xigta wakhtigaas ay seexdeen huradada wanaagsan haddii kale, waxaa jiri doona isbeddello badan iyo dhibaatooyin ay la kulmi karaan.Haddii qofku soo tooso isagoo daallan isla markaana muddo yar kadib uu hurdo dareemo, tani waxay calaamad u tahay inuusan qofkaasi helin hurdo ku filan.
faa'iidooyinka hurdada
Hurdadu waxay dawo u tahay xanuunno badan oo ku dhaca aadanaha, dhakhtarkuna wuxuu sharraxay faa'iidooyinka uu helo marka uu qofku si wanaagsan u seexdo.
Hurdadu waxay hagaajisaa difaaca jirka
Hurdadu waxay hagaajisaa caafimaadka maskaxda
Hurdadu waxay kordhisaa awoodda galmada
Hurdadu waxay daawo u tahay sonkorowga iyo wadne xanuunka
Hurdadu waxay qofka siisaa degganaansho maskaxeed
Hurdadu waxay kobcisaa maskaxda.
Xiriirka ka dhexeeya hurdo la'aanta iyo tabaryarida dhanka galmada
Baaritaan caafimaad ayaa muujinaya in hurdo la'aantu ay yarayso rabitaanka galmo ee ragga iyo dumarkaba isla markaana ay yarayso awooddooda.Waxaa kale oo la sheegay in hurdo la'aantu ay ka mid tahay sababaha ugu waaweyn ee keena dhalmo la'aanta ragga iyo dumarka labadaba.