Dadka Qaba Cudurrada Beerka Iyo Killiyaha Oo Looga Digayo Cunista Toonta


 "Dadka Qaba Cudurrada Beerka Iyo Killiyaha Oo Looga Digayo Cunista Toonta

Toonta qaabab kala duwan ayaa daawo ahaan loogu isticmaalaa, waxaa loo adeegsadaa caafimaadka dhirta iyo kan casriga ah labadaba, laakiin dadka qaar waxaa loogu diidaa xaaladooda caafimaad oo aan u saamaxeyn iyo saameyn ay ku yeelanayso darteed.

Khubarada ayaa sheegaya in dadka qaba dhibaatooyinka caafimaad ee beerka, kalyaha aan lagula talin iney Toonta cunaan, maxaa yeelay waxaa ku jira walxo sun ah oo heerar sare ah, kuwaas oo sii xumayn kara xaaladda bukaanka carqaladna ku keeni kara geeddi-socodka kiimikada ee jirka[dadka dawooyinka qaadanaya].

Toontu sidoo kale: waxay waxyeello u leedahay dadka Shubmaya, sababta oo ah caloosha ayay sii dhaqaajisaa, lagulama taliyo dadka dhiiggu dhacsan yahay iyo kuwa cudurrada indhaha qaba iney cunaan, sababta oo ah dhiigga ayay cadaadiskiisa hoos u dhigtaa, waxayna kordhisaa dareenka xuubka sare ee isha.

Waxaa laga fogeeyaa dadka qalliinka galaya, maxaa yeelay: cufka dhiigga ayay hoos u dhigtaa arrintaas oo xinjirowgiisa yarenaysa, halka dumarka uurka leh iyo hooyada nuujisada ah aan lagula talin saameynta ay ku yeelaneyso oo aan la ogeyn darteed.

Toontu: waxay saameyn taban(negative) ku yeelataa garaaca wadnaha, qanjirrada, xasaasiyadda, xanuunnada beeryaraha, daraasaad dhowaan soo baxday ayaa shaki gelisay kaalinta toonta ee la dagaallanka cudurrada. Laakiin waxaa dhici karta ayay leeyihiin iney ka hortagga cudurrada kaalin wanaagsan ka ciyaarto, maadaama ay xoojiso habdhiska difaaca jirka.

""Maadaama ay aad u soo bateen cunista cunnooyinka dufanka ku badan tahay, cunnooyinka warshadaysan iyo cunnooyinka shiilshiilan, kuwaasoo culeys xoog leh saaro beerka markii wasakhda laga saarayo, waxayna keenaysaa in beerka ay shaqada ka badato, kadibne uu daalo ama shaqada yareeyo.

Sidaas awgeed, waxaa muhiim ah in qofka uu ku dadaalo cunooyinka beerka ku caawin karo in si sahlan jirka uu qashinka uga saaro, culeyskane beerka uu ka yaraado, sidaas ayaana cunnadaan loogu bixiyay cunnada beerka nadiifiso, waana ku waan:

Toonta:  waxay ugu horaysaa cunnooyinka beerka nadiifiyo, waxay sare u qaadaa dheecaan burburiyaha beerka uu soo daayo taasoo keenayso in qashinka si sahlan loo saaro, waxaa kaloo toonta ka buuxdo labo maado oo loo kala yaqaano "Allcin iyo Selenium" waxayna beerka ku caawiyaan qashin saarka, akhriso qoraal aan kaga hadalnay xanuunada Toonta lagu daaweeyo: h

Bambeelmada: Waxaa aad uga buuxa fitamiin C iyo waxyaabaha qashinka saaro ee loo yaqaano "Antioxidants" hal koob oo cabitaanka bambeelmada ah wuxuu ku filan yahay in beerka uu ka caawiyo qashin saarka, haddii aad cunto mid ka mid cunnooyinka kor ku xusan.

Karootada: Waxay sare u qaadaa shaqada beerka iyo soo saarista waxyaabaha jirka uusan ka maarmin, waana maadada ku jirto karootada ee loo yaqaano "beta-carotene", akhriso qoraal aan kaga hadlay faa'idada karootada: 

Shaaha Cagaaran: Waxaa ku jira maadada "Catechins" oo caan ku ah caawinta beerka iyo qashin saarka, faa'idooyin badan oo kalane jirka wuu u leeyahay ee ka akhriso halkaan: 

Avocado: Waa miro faa'ido u leh caafimaadka, waxaana ka buuxo maado loo yaqaano "Glutahione" oo muhiim u ah sun saarista beerka khaasatan midda daawooyinka, waxaan horay ugu hadalnay in avocado-ka uu ragga u roon yahay, kana mid yahay cunnooyinka caado wareerka looga hortago.

Tufaaxa: Waxaa ku jirta maado loo yaqaano "Pectin" waa maado dheefshiidka u roon, kuna caawiso mindhicirrada inaysan nuugin wixii jirka halis ku ah, marka waxay beerka ku caawinaysaa cunno laga soo reebay qashinkii in beerka la geeyo sdiaasne howsha ay ku yaraato.

Liin dhanaanta: Liintu waxay ka dhigtaa sunta mid ku milmi karto biyaha taasoo sahlayso in jirka si sahlan looga saaro, waxayne sare u qaadaa shaqada beerka, waana sababta loogu taliyo in qofka aroortii hore cabo cabitaan liin dhanaan fresh ah, akhriso faa'idooyinka kale ee liin-dhanaanta: 

Kabajka: wuxuu sare u qaadaa howsha labo dheecaan burburiye "enzymes" oo howshoodu tahay in beerka ay qashinka ka saaraan, wuxuu kaloo leeyahay faa'idooyin kale oo badan ee ka akhriso halkaan: 


1 Comments

Previous Post Next Post